Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka DF oo ka hadlay sababta ay warqadda ugu direen shirka Brussels

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka waxa amaanta ka furmay shrikii iskaahsiga beesha caalamka iyo Soomaaliya oo looga hadlayo kaalmada bani’aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga.

Madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo wakiillada beesha caalamka, ayaa shirk aka qeyb galaya.

Dhinaca kalena qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ee dalka ayaa iyaguna ka hadlay shirkaasi Brussels iyo xaaadda waddanka.

Kamaal Daahair Guutaale ayaa Idaacadda VOA ee Somalia kaga waramay sababta keentay inay dacwadaan ka gudbiyaan dowladda dhexe.

Kamaal ayaa sheegay inay muhiimda koowaad siiyeen ka hadlidda Weerarada AL-Shabaab kaga imaanayo shacabka Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dacwad ka gudbiyeen Ciidamada Xasilinta oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aan sharci aheyn.

Wuxuu kale oo sheegay inay aad u dhibtay in la joojiyey shirarkii Mucaaradka ay ku qabsan lahaayeen Muqdisho taasoo uu ku tilmaamay inay tahay sharci darro, wuxuua kaloo tilmaamay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qaaday tallaabo sharci darro ah kadib markii uu xilkii ka qaaday guddoomiyaha maxkamadda Sare iyo kuwii racfaanka.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Kamaal oo dhameystiran:

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/843ed33f-aeb7-47e5-af0b-cf890fc7a559_48k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this