Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 16, 2018 What is Dhurwaa doing in Brussels? He is being welcomed by danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub. _______________________ Muxuu Feysal Cali Waraabe u joogaa Brussels? Wariyayaal jooga shirka Brussels ayaa soo sheegaya in maanta safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub uu soo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid uuna dajiyey hotelka ay daganyihiin wufuuda Soomaaliya ee shirka u jooga Brussels Brussels ayaa waxaa ka furmaya shir ay joogaan madaxda dawladda Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha DFS farmaajo iyo kuwa Mamul-goboleedyadda si ay uga qeyb galaan Shirwweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo Beussels. Kulankaasi Caalamiga oo socon doona muddo 2 maalmin ah waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dowladaha taageeraadda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Hawlgalka AMISOM iyo Diplomaasiyiin kale. Feysal Waraabe ayaa ilo ku dhaw dhaw safaarada u sheegeen Dalsan inuu ka mid yahay martida shirka ku casuuman ee rasmiga ah isaga iyo xubno ururada bulshada rayidka Somaliland ah . Kulanka Brussels waxaa looga hadli doonaa Xaalladaha Ammaanka, Horumarka, Geeddi-socodka Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Madaxtinimdda ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020-ka iyadoo aysan Somaliland si rasmi ah qeyb uga aheyn ayaa waxaa ay u muuqataa in lagu casuumo magaca Somaliland oo wali Soomaaliya qeyb ka ah. Ilo-wareedyo ayaa waxay sheegayaan inay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda si wadajir ah shirkaasi ugu soo bandhigi doonaa Qorshe dhinaac Ammaanka Soomaaliya iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka, waxayna Beesha Caalamka ka codsan doonaan Malaayiin Dollar oo dib loogu dhisayo Ciiddanka Qaranka, si ay Hawlgalak AMISOM ugala wareegaan Hawlaha sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha guud ahaan Soomaaliya. Shirka Brussels waxa uu sii ambaqaadi doonaa tallaabooyinka cusub ee lagu taageerayo Ammaanka, Horumarka iyo Deganaanshaha Soomaaliya. Dhinaca kale, bishii May ee la soo dhaafay, Shirweyne ka dhacay magaalldda Brussels waxay Dowladaha Midowga Europe ballan qaadeen 100 million oo Euro oo lagu taageerayo DFS. Si kastaba ha ahaatee, Shirweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo magaalladad Brussels waxaa lagu lafaguri doonaa Natiijooyinkii ka soo baxay Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen magaalladda Baydhabo, inkastoo ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala aragti duwan yihiin Mideynta Ciiddanka Qaranka. Wali ma jiro war rasmi ah oo Somaliland laga helay ee ku aadan googitaanka Feysal Waraabe ee Brussels. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 16, 2018 Which clan Is danjiruhu he doesn't look Somali ba beesha timaadagta baa 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted July 17, 2018 Ninkan xisbigiisu waa boos celis si aan xisbi kale usoo dhex gelin hogaanka snm, wuxuuna u qaabilsan yahay madadaalada,waana xisbi xarig furan, wax macno wayn uguna fadhiyo snm. Waxaan xasuustaa hadda ka hor mar uu dhaliilayay siilaanyo oo uu yiri Waar...dee..dhagax dhigaan faraha badan dadka yaan lagu kufin haddaan meesha la dhisayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted July 17, 2018 I thought you were talking about a zoo in Belguim when I saw the title. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted July 17, 2018 13 hours ago, Holac said: I thought you were talking about a zoo in Belguim when I saw the title. Not far off. Its the political zoo of Europeans and many parts of the world tied to Europeans. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted July 18, 2018 Faysal is a munafiq nothing new. Quote Share this post Link to post Share on other sites