Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil katirsan Nabad Sugida Soomaaliya oo Shaqada laga Joojiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Ha’ada Nabad sudiga iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada ka joojiyay labo sarkaal oo katirsan Ha’ayda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha NISA ayaa xilka looga qaaday Sareeyo Guuto Cabdala Cabdala Maxamed iyo Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo NISA saraakiishooda ka tirsanaa.

Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyo iyo weeraro is xig xiga oo isbuuc gudihiisa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa jira isla xisaabtan ka dhexbiloowday Ha’adaha amaanka Soomaaliya .

Siyaasiin badan ayaa muujinayay layaabka wadooyinka oo xiray darteed sida gawaarida qaraxa sida iyo ciidamada hubeeysan ay u soo gudbeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayeey aheyd markii xabsiga loo taxaabay saraakiil katirsan ciidamada NISA si wax looga weeydiiyo qaababka ay u dhaceen weeraradaasi.

Hoos ka Aqriso Digreetada

Xil-ka-qaadis.jpg?resize=540%2C960

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Saraakiil katirsan Nabad Sugida Soomaaliya oo Shaqada laga Joojiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this