Sign in to follow this  
Deeq A.

Amniga MUQDISHO oo ku xiran saddex arrin oo DF Somalia aysan fulin karin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa todobaadkii labaad oo xiriir ah magaalada Muqdisho ka dhacay laba weerar oo sida loo soo diyaariyey iyo sida loo fuliyeyba ay isku ekaayeen.

Weerarka koowaad oo ahaa mid loo adeegsaday laba gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha kaa oo dhacay Sabtidii ay bisha Luulyo ahayd 7.

Weerarka labaad oo dhacay Sabtidii xigtay ee bishu ahayd 14ka Luulyo, ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari oo ayaa la socdeen maleeshiyo ku hubeysnaa qoryaha fudud waxa uuna ka dhacay afafka hore ee xarunta madaxtooyada Somalia.

Qaraxyadan ayaa waxaa isku eedeeyay Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia, Hay’adaha amaanka, Taliyayaasha amra ciidamada ku sugan goobaha ay wax ka dhaceen, waxaana loo qabtay Saraakiil la sheegay inay fududeeyen weerarka.

Weerar waliba oo dhacaa waxaa ku lug yeesha Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka dowlada Somalia oo si dhow ula shaqeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaa oo aan la horgeyn sharciga.

Saraakiisha qaar oo mushaar ahaan u qaata lacag aan ku filneyn qoyskooda ayaa wata ilaalo kabadan 4 ilaa 5 kuwaa oo maalintii isticmaala lacag ku dhow 1,500 oo lagu bixiyo qaad iyo balwadaha kale, waxa ayna su’aashu tahay halkee ayey ka imaadaa lacagtaasi?

Haddaba Amniga magaalada Muqdisho ayaa ku xiran 3 arrin oo aysan fulinkarin DFS kuwaa oo kala ah:

1-In Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay kasoo hormuuqdan Saraakiisha waaweyn ee looga shakiyo ku lug lahaanshiyaha weerarada ay qaadan Al-Shabaab.

2-In dowlada Somalia ay hir galiso sharci taliyayaasha iyo saraakiisha ciidan lagu tooganaayo, haddii lagu caddeeyo in wada shaqeyn ay kala dhexeyso Al-Shabaab.

3-Dowlada Somalia oo xukuno sanado badan ku rida Saraakiisha lagu tuhunsan yahay inay u janjeeran Al-Shabaab.

Dowlada Somali oo og xaqiiqda dhabta ah ayaan awood u laheyn in sharciga ay horgeyso Saraakiisha sida dhow ula shaqeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku jiraan dhamaan Hay’adaha amaanka.

Saraakiisha ugu badan ee sida dhow ula shaqeeya Al-Shabaab ayaa ah kuwa la buunbuuniyo ee kasoo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida xorta ah ku dhexmara magaalada Muqdisho, hase yeeshee dowlada qudheeda ayaa u muuqata mid iska indha tireysa xaqiiqda dhabta ah.

Sidoo kale, Dowlada Somalia oo aasaas ahaan ku dhisan hab qabiil ayaa aad uga cabsi qabta in heer Maxkamadeed ay la gaarto kuwa u qaabilsan Amniga ee la shaqeeya Al-Shabaab.

Geesta kale, Dowlada Somalia qudheeda ayaan u jilicsaneen amni ka dhalinta magaalada Muqdisho, marba haddii uusan shaqeyneynin sharciga oo aysan muuqan Taliyayaal iyo Saraakiil ii xukun ku dhacaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this