Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hal arrin oo Shabab u sahashay weerarkii Maka Al-Mukarama ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya weerarada ay maleeshiyada Al-Shabaab ka geystaan wadada Makka Al-Mukarama oo aad u mashquul badan.

Wadada Makka Al-Mukarama oo ah halka ugu saxmada badan magaalada Muqdisho ayaa gasha Xarunta Madaxtooyada Somalia iyo xarumo kale oo ay leedahay dowlada.

Weerarada ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmihii tagay ay dowlada Somalia ka digeysay amni darro ay maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ayna ciidamada amaanka xireen inta badan waddooyinka magaalada.

Weerarada ayaa waxaa maleeshiyada u fududeeya milkiilayaasha goobaha ganacsi ku leh hareeraha laamiga Makka Al-Mukarama, kadib markii maleeshiyada ay ku amartay in Kaamiradaha ku xiran wajiga hore ee goobahooda ka nacsi ka fureen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay jareen Kaamiradaha qarsoon ee ku xiran goobaha Ganacsi ee ku yaalla wadada Makka Al-mukarama ee saaran Xarunta Villa Somalia.

Maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay in Goobaha Ganacsi qaarkood ay ku amreen inay jaraan Kaamiradaha, halka qaarna ay diideen inay jaraan.

Inta ugu badan Kaamiradaha ay maleeshiyada Jareen ayaa ku yaalla Wasaarada Arrimaha Gudaha ilaa Isgooska Banaadir, sida laga soo xigtay qaar kamid ah milkiilayaasha Goobaha laga jaray.

Kaamiradaha qaar ayaa ku dhagan goobaha hortooda, balse waxaa la xaqiijiyay inaysan aheyn kuwo shaqeeya, sababo la xiriira Hanjabaado loo jeediyay milkiilayaasha Goobaha.

Kaamiradaha qarsoon ee iminka shaqeeya ayaa ku yaalla keliya qaar kamid ah Hoteelada waaweyn ee saaran laamiga, waxaana xusid mudan in xitaa Hoteelada yaryar lagu amray inay jaraan, kuwaa oo hadda aan qaarkood shaqeyn.

Wadada Makka Al-mukarama ayaa kaalinta koowaad kaga jirta waddooyinka ugu mashquulka badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay isticmaalan Madaxda dowlada Federaalka.

Wakhtiyo kala duwan ayey Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka macluumaad ka heleen Kaamiradaha qarsoon oo iyagu duubay falal amni darro oo ka dhacay waddada Makka Al-mukarama kuwaa oo ugu badan Qaraxyada dhacay.

Kaamiradahaasi ayaa horay u duubay macluumaadka Gaadiid dhowr ah oo isku qarxiyay Wadda Makka Al-Mukarama, halka qaarkood ay duubeen muuqaalka maleeshiyaad geystay dilal, waana sababta ugu weyn ee dowlada Somalia ay uga hortagi la’ dahay weerarada.

Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in wixii ka danbeeyay furitaanka Kaamiradaha ay maleeshiyaadka ku guuleysanayeen weerarada ay ka geystaan wadada Makka Al-mukarama, gaar ahaan Xarumaha dowlada iyo Hoteelada saran laamiga.

Geesta kale, waxaan weli arrintaani ku baraarugin dowlada Federaalka oo inta badan mas’uuliyiinteeda ay isticmaalan wadada Makka oo laga jaray Kaamiradaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this