Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga DFS oo shaaciyay cida sababta u ah Qaraxyada ka dhacay MUQDISHO (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Iyadoo maalinimadii shalay weerar isugu jira Qaraxyo iyo mid toosa lagu qaaday barokoontarool ku yaala afafka hore ee Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Wasiirka amniga Xukumada Somalia Ducaale ayaa Qaraxyada ku eedeeyay dhinacyada ku qeyla dhaaminaayay in la furo waddooyinka Muqdisho oo mudooyinkaan la xadiday isticmaalkooda.

Wasiir Ducaale ayaa eedeyn u jeediyay dadka Shacabka iyo Siyaasiyiinta isugu jira ,kuwaasoo dhaliila xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in Qaraxa uu ahaa sabab ka dhalatay qafiifinta waddooyinka xirnaa.

“Alshabaab qaraxa waxaa u sahlay qeyla dhaanta shacabka iyo siyaasiyiinta oo u muuqda inay ka hadashiiso Alshabaab si ay ugu sahlanaato fulinta Qaraxyada”

Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in dadka dhaliilaya xirnaanshaha waddooyinka Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa Al-Shabaab ay ka hadalsiiyaan.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxa uu Ammaan u jeediyay Ciidamada xasilinta oo uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay suggaan Amniga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxa uu xusay in  Al-Shabaab ay la mid yihiin shacabka isla markaana marka waddooyinka la xiro Dad Shabaab ay ka hadal siiyaan dhaliilo u jeediyaan xirnaanshaha wadooyinka.

Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Nimanka nabad diidka waxa ay soo dhax galayaan dadka shacabka ah, dadka ayeey ka hadal siinayaan iyaga ayaa dhaliilayaa xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho, sababtoo ah waa dad nagu dhex jira oo Muslim ah, marka jidadka la dabciyana qaraxyo ayeey gaysanayaan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga Soomaaliya.

Haddalka Wasiir Ducaale ayaa kusoo beegmaaya xili Magaalada Muqdisho ay  Bishaan Marti galisay Qaraxyo iyo Weerar culus oo ay Shabaab kusoo qaadeen, Xarumaha dowladda ee ku yaalla Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this