Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: 6 Qodob oo sabab u ah fashilka DFS ka heysta ka hortag la’aanta weerarada MUQDISHO!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalmahaani magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia laga dareemayaa amni darro ka dhalatay weeraro iyo dilal toosa oo ay geysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Weerarada ugu badan oo loo adeegsado Qaraxyo laga soo buuxiyay gaadiid ayaa waxaa lagu qaada goobaha ay ku sugan yihiin shacabka, taa oo kordhisa tirada dhimasho ee dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa intooda badan ka dhaca inta u dhexeysa Isgooska Banaadir ilaa goobaha ganacsi ee ku yaalla Xeebta Liido oo ay ku badan yihiin xarumaha dowlada iyo shaqaalaha u shaqeeya dowlada.

Dowlada Somalia oo looga fadhiyay inay ka hortagto dhibaatooyinka ay maleeshiyaadka Shabaab u geysanayaan shacabka ayaa qaab Qabiil ku saleysay xilalka Hay’adaha amniga sida (Taliyayaasha iyo Saraakiisha).

Taliyayaasha iyo Saraakiisha ugu badan ee xilalka u haya dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaa markoodii hore kasoo goostay Al-Shabaab taa oo dhalisay tuhun maadaama ay suuragal tahay inuu jiro xiriir hoose oo kawada dhexeynkara Al-Shabaab, Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka.

Fashilka iminka Dowlada Somalia ka heysta amniga ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay 6 qodob oo aysan ahmiyad iyo ka fiirsasho siin dowlada Somalia kuwaa oo kala ah:

1-Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka oo qaab kasoo goosasho Al-Shabaab ku galay dowlada.

2-Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka oo ku saleysan hanaan Qabiil, iyadoo ay xusid mudan tahay inaanu meel wada galin (awood qeybsi iyo Amni sugid).

3-Ciidamda Dowlada oo weli ku dhisan qaab qabiil, iyadoo Taliye waliba uu tababar la’aan liiska ciidanka ku daro dhalinyaro ku heeb ah.

4-Ciidamada ay dowlada u dirsatay sugida amniga oo aan fahansaneyn hadafka ay Hubka u wataan.

5-Xuquuqda ciidamda oo aan joogto aheyn iyo cadaalad darro heysata aqoonyahaanada khibrada u leh amniga.

6-Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga ooh al beel u badan.

Dowlada Somalia ayaa inta badan ku goodisa inay talaabo ka qaadayan dhinacyada ku lugta leh weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho, hase yeeshee ma aragto Taliyayaasha iyo Saraakiisha ay u wakiilatay amniga.

Geesta kale, waxaa xusid mudan in Hay’adaha amaanka dowlada ee loo xilsaaray amniga Muqdisho aysan ka dhaxeyn wada shaqeyn, waxa ayna su’aashu tahay sidee ayey dooneysaa DFS inay ku hagaajiso amniga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this