Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka Al-Shabaabkii weerarka ka geystay agagaarka Villa Somalia oo weli goobta yaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in afafka hore ee Madaxtooyada Somalia ay weli yaalan Meydadka Maleeshiyaadkii shalay weerarka geestay.

Meydadka ilaa iyo afar ruux oo xiran dareeska cusub ee Ciidamada Militeriga Somalia ayaa yaalla Agagaarka Madaxtooyadda Somalia.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in afarta ruux ee goobta uu weerarku ka dhacay yaalla ay yihiin Kooxdii soo weerartay Ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda.

Meydadka maleeshiyaadkan oo la is dul saaray kadibna joodari dusha laga saaray illaa shalay markii weerarka uu dhacay ayaa iminka halkaasi yaalay.

Meydadka qaar ayaan muuqaal ahaan la aqoonsan waxaana saameyn xoogan ku yeeshay biraha ka dhashay Qaraxa.

Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ayan  wali warbaahinta la hadlin, waxa ayna su’aashu tahay sababta ay Hay’adaha amaanka afka uga qabsadaan dhacdooyinka ceynkan ee iyaga quseeya.

Sidoo kale, gaadiidka waaweyn ee Gobolka ayaa lasoo sheegayaa in goordhow loo dalbay si meydadka loogu qaado isla markaana loo xabaalo.

Dhinaca kale, Qaraxa ayaa shaki galiyay hanaanka shaqo ee Taliska ciidamada Militeriga, waxa ayna far ku godan tahay Taliska ciidamada Xoogga oo iyagu wax laga weydiin doono sida uu ku baxay dareeska ay wateen maleeshiyaadka weerarka fuliyay oo ahaa kuwo dhawaan la bixiyay isla markaana cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this