Sign in to follow this  
Deeq A.

Miyey qaraxyadii shalay ee Muqdisho ka dhigan yihiin iscasilaada DUCAALE?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin kale, qaraxyo iyo weerarro ayey goobjoog u noqotay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Isla shalay oo kale, sabti waxa ay weerarro iyo qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsadeen xarumihii dowladda, gaar ahaan kuwii amniga qaabilsanaa sida Wasaaradda Amniga, Gudaha iyo Taliska warfaafinta, taas waxa ay su’aalo hordhigtay madaxda sar sare ee dowladda iyo gaar ahaan laamaha ay amaanku hoos tagaan ee weerarka lala beegsaday?

Toddobaad kaddib, shakay waxaa ay Al-Shabaab weerareen madaxtooyada oo bartilmaameed u ahayd walow aysan ku guuleysan oo ay fashiliyeen ciidamadii ku sugnaa agagaarka Ceel Gaabta oo ay ka sameeysan yihiin baro koontorool lagana ilaaliyo madaxtooyada.

Fallaqeyeyaasha siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa maankooda ka guuxaya cidda dusha u ridan doonta mas’uuliyadda weeraradan iyo qaraxyadan aan u muuqan kuwo xalkoodii la helay.

Dowladdii midda hadda jirta ka horreeysay ee uu hoggaaminayey Xassan Shiikh Maxamuud waxaa la xasuustaa in uu iska casilay xilkii wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Cabdirakiin Xassan Guuleed kaddib markii uu ammaanka faraha ka baxay cadaadis bandanna uga yimi bulshada qeybeheeda kala duwan.

Hadda mala joogaa xilligii uu tallaabadaas oo kale qaadi lahaa wasiirka hadda ee aminga gudaha Abuukar Axmed Islow Ducaale?

Caasimad Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this