Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: Fashilka DF waxaa sababay hal arrin oo ay aad isaga indho-tirtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku sugan dalka Norway ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay ku fashilantay kasbashada dadka shacabka ah.

CC Shakuur waxa uu sheegay inaanu jirin xiriir sidaa usii fog oo dowlada Somalia kala dhexeeya dadka shacabka ah waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid khatartiisa leh.

Mar uu CC Shakuur u waramaayay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga, ayuu cod dheer ku sheegay inuu jiro mugdi u dhexeeya dowlada iyo shacabka, isagoo ku baaqay inay isdabaqabato dowlad.

CC Shakuur, waxa uu carab ***** in kalsooni darada ka dhex taagan dowlada iyo shacabka ay sababtay in dadka shacabka ah ay Garsoor u raadsadaan dhinaca maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Waxa uu CC Shakuur arrin aad khatarteeda u leh ku sheegay in dowlada Somalia oo leh Hay’addo Garsoor ay shacabka Garsoor u doontaa deegaanada ay heystaan Shabaabka.

Waxa uu yiri “Wax xiriir ah dowlada Somalia kalama dhexeeya shacabka, hadii uu jiri lahaa xiriir shacabku Al-Shabaab uma doonteen garsoor”.

CC Shakuur, ayaa sheegay inaanu jirin cadaalad ka dhex jirta xarumaha dowlada Somalia, waxa uuna carab ***** in dowladu ay ku fashilantay dadaalkii ay ku nabadeyn laheed Somalia.

Haddalka CC Shakuur ayaa u muuqanaaya mid uu uga faa’iideysanaayo dhibaatooyinka amni darro ee wali ka dhex jira dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this