Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: R/W Kheyre oo shaki ka muujiyey qaraxyada iyo guddi la magacaabay..!!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu magacaabay guddi khubaro ah oo baaritaan ku sameeya Qaraxa sabtigii shalay iyo sabtigii lasoo dhaafay ka kala dhacay agagaarka Villa Somalia iyo kii Otto Otto.

Gudiga uu magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre oo laga soo kala xulay Hay’adaha amaanka ayaa baaritaan degdeg ah ku sameynaaya Qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ka dhacay Villa Somalia iyo Otto Otto.

Guddigan ayaa awood buuxda loo siiyay barista iyo inay garabsadan Khubaro cadaan ah oo iyagu ku howlan barista qalfoofta kasoo haray gaadiidka Qarxay.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa khubaradaasi u qabtay in 72 saacadood ay ku keenaan macluumaad waafi ah oo muujinkara xogta Qaraxyada iyo raadraacooda.

Kheyre ayaa u sheegay xubnaha Guddiga in baaritaanka laga dhigo mid isku dhaf ah oo mideyneysa Saraakiisha ku qoran Degmooyinka la tuhunsan yahay, Gaadiidka Qarxay iyo Maleeshiyaadka weerarka tooska ah qaaday.

Sidoo kale, Kheyre ayaa lagu wadaa in baaritaanka Guddiga kadib uu isku shaandheyn iyo xil ka qaadis ku sameeyo Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka, gaar ahaan kuwa la tuhunsan yahay.

Geesta kale, Qaraxyada kusoo beegmaaya maalmaha Sabtiga ayaa la rumeysan yahay inaanu aheyn mid abaabulkeeda ku eg Al-Shabaab, waxaana jira haddal-heyn muujineysa inay garab ka helayaan dadka tirsan dowlada, waxa uuna Ra’isul wasaaruhu qabaa shaki ku aadan Qaraxyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this