Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-warran: Maxaa ka khaldamay weerarkii Al-Shabab u qorsheeyeen Villa Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin dheeraad ah ayaa laga helay weeraro loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo maanta lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxyada ooo mataane ahaa ayaa ka hor inta aysan dhicin waxaa la maqlay rasaas badan oo ay fureen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hortegay Gaari isku dayey inuu xoog ku jiiro bar ay ka ilaaliyaan Madaxtooyada oo ku taala Isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Ilaalada Madaxtooyada ayaa rasaas ku furay Gaari xoog ku soo gudbay Kontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada ee dhinaca Ceel-gaabta waxaana sidoo kale isla gaarigaasi rasaas kale ka hor keenay Ciidan kale oo ku sugan Al-baabka laga galo Madaxtooyada ee ku aadan kontaroolkii uu soo jiiray, Darawalka Gaariga Qaraxa waday ayaa ku beegmay dhinaca Hotel SYL markii ay rasaas kaga timid hore iyo gadaal, waxa uuna markaas la kulmay rasaas kale oo ay Rideen Ciidamada amaanka waxyar kadibna waxaa rogmaday Gaariga qaraxa waday iyadoo markaasna uu dhacay Qaraxii.

Qaraxa koowaad ayaa burbur xoog leh u geystay Taallada SYL iyo dhismooyinka ku wareegsan oo dhabarka danbe uu uga dhacay, wuxuuna burburka gaaray Waddada Maka Almukarama ee hor marta Madaxtooyada, wuxuuna ku beegmay jidgooyooyin fara badan iyo carro halkaasi taallay.

Daqiiqado kadib ayaa la maqlay Qarax kale oo xoog leh kaas oo ka dhacay halkii uu ka soo gudbay Qaraxii 1aad ee Kontaroolka Ceel-gaabta waxaana loo adeegsaday Gaari lagu soo raray Qarxyo, xaalada ayaa noqotay mid qasan waxaana xigay dagaal kooban oo qaatay ku dhawaad 20 daqiiqo.

Arrimo Farsamo ayaa qabsaday Weerarkii qorsheysnaa ee Alshabaab, taasoo ay ugu wacan tahay inay rasaas bilaabtay ka hor inta aanay qaraxyadu dhicin, taasoo keenay in feejignaan dheeri ah ay galaan ciidamada ilaalada ee ku wareegsan madaxtooyada.

Waxaa muuqata inuu xumaaday isku xirka qaraxyada iyo dableyda weerarka fulineysay, markii Qaraxyada ay dib uga dhaceen xilligii loogu talogalay ayna ka hor mareen ragga dableyda ahaa ee Alshabab ugu yeerto Inqisaamiyiin, kuwaasoo Qaraxa weyn ka hor ay isku dhaceen ciidamada ilaalada madaxtooyada, taasoo yareysay qasaaraha kana hortagtay weerar kale oo Alshabaab toddobaad gudihiis ku doonayaan inay ku galaan Madaxtooyada Soomaaliya ama xarumo muhiim ah oo ku dhow.

Meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Alshabaab oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday ayaa lagu arkay barta koontarool ee Ceelgaabta, iyadoo lasoo weriyey qasaare khasaare dhimasho laba qof oo shacab ah, halka Ciidamada amaanka iyo dad kale oo shacab ah oo dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kale Sabtidii hore isla saacadaan weerar ku soo qaaday Xarumo muhiim u ah Dowladda Soomaaliya oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, weerarka todobaadkii hore ayaa ka dhacay Xarumaha Wasaaradaha Amaanka iyo Arimaha Gudaha iyo Taliska Isgaarsiinta Booliiska Soomaaliya oo dhamaantood ku yaala Otto Otto.

Waxaa la is weydiinayaa sida ay ku suuragashay in laba gaari oo qaraxyo sida iyo ciidamo hubeysan ku gaareen baraha laga ilaaliyo madaxtooyada iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this