Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergo ka socota Somaliland oo isimada Puntland kala hadlay dagaalka Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   
Ergo.jpg?resize=623%2C412Ergada ka timid Somaliland

Salaadiin iyo ganacsato ka soo jeeda Somaliland oo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa ayaa maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Garoowe oo ay kulamo kula yeesheen qaar kamid ah isimada iyo ganacsatada reer Puntland.

Waxgaradkaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa ujeedka safarkooda lagu sheegay in uu la xiriiro xal u-helidda colaadda ka aloosan gobolka Sool ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland,sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah.

Xubnahan oo magacyadooda lagu sheegay;

  1. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
  2. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
  3. Axmed Aadan Buuxane
  4. Ganacsade Jamaal Caydiid Ibraahim
  5. Ganacsade Cismaan Baane
  6. Ganacsade Xasan Yuusuf
  7. Siciid Aadan Guuleed ayaa waxaa hoggaaminayay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo kamid ah salaadiinta aadka ugu dhow madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxayna kulamo la qaateen isimada kala ah; Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Garaad saleeban Garaad Maxamed,Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse iyo Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.

Salaadiinta ka socotay dhinaca Somaliland ayaa wararku sheegayan in ay isimada Puntland kala hadleen xal u-helidda xiisadda ka aloosan gobolka Sool ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland,hayeeshe faahdaahin kale lagama helin kulamada ay yeesheen labada dhinac.

Ergada ka socotay Somaliland sidoo kale waxay usii gudbeen dhinaca magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaasoo ay kulan kula yeesheen Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolka Karkaar.

Wefdiga ka yimid dhinaca Somaliland eek a kooban salaadiinta iyo ganacsatada ayaan wax kulan ah dhexmarin mas’uuliyiinta Puntland,sida ay xaqiijinayan ilo-xog-ogaal ah,waxaana ay maanta dib ugu laabteen magaalada Hargeysa.

PUNTLAND POST

The post Ergo ka socota Somaliland oo isimada Puntland kala hadlay dagaalka Tukaraq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this