Sign in to follow this  
Deeq A.

Arag: sawirrada: Meydadka Shabaabkii weeraray Villa Somalia oo lasoo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa goordhow soo afjaray weerar maleeshiyaad hubaysnaa oo ka tirsan Al-Shabaab ku soo qaadeen Koontaroolka Ciidamada Militariga ay ku leeyihiin meel ku dhaw Beerta Nabadda agagaarka Isgoyska Umbulutooriyadda.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo markii hore bilaabay rasaasta ayaa waxaa ka jawaab celiyay ciidamada dowlada oo si lama filaan ah looga soo kordhacay, waxa ayna la socdeen Gaarigii isla goobta ku qarxay.

Maleeshiyaadka ayaa inta ay soctay rasaasta bartakoontarool ku dilay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Militariga iyo Xoogaga hubaysan.

Ciidamada dowlada ayaa maleeshiyada u diiday inay ku dhawaadan albaabka Xarunta Villa Somalia, gaar ahaan Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Militariga.

Maleeshiyaadka ayaa inta uu socday dagaalka tooska ah galay luuqa u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda, halkaasi oo ciidanka si adag ay ugula dagaalameen.

Qaraxyada dhacay oo ahaa kuwo loo adeegsaday laba gaari ayaa waxaa wehlinaayay Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay naftii halige kamid ahaa maleeshiyaadka dagaalamaayay kaasi oo qayb ka mid ah maydka jirkiisa ku soo dhacay Isgoyska Umbulutooriyadda.

Labada Qarax iyo Ismiidaaminta ayaa dhammantooda ka dhacay wadada Ceelgaabta eeryada Beerta Nabadda iyo meel aan sidaa uga sii fogeyn ex Fiyooraha.

Maleeshiyaada ayaa tirro ahaan gaaraya ilaa 7 Maleeshiyo waxaana baxsaday ilaa Seddex maleeshiyo iyo Hubkooda, sida laga soo xigtay Saraakiisha amaanka.

Wadada gasha Villa Somalia ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamada Dowlada waxaan baaritaan ka wada ciidamo kala nooc ah.

Meydadka Al-Shabaabkii la dilay oo ku labisnaa dareeska cusub ee ciidamada Militeriga

Qarax-11-1.jpg

Qarax-22-1.jpg Qarax-44-1.jpg Qarax-33.jpg

Qarax-55.jpg Qarax-66.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this