Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Labo qarax oo loo adeegsaday laba Gaari ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Ceelgaabta iyo SYL oo ah bar laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa hore oo loo adeegsaday Gaari ayaa ka dhacay meel ku dhow bar koontarool oo ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi. Qaraxaasi Koowaad waxaa xigay weerar toos ah oo rag hubeysan ku qaadeen ciidanka ammaanka ee halkaasi joogay, waxaana goobta ka dhacay dagaal xooggan, iyadoo weli aan la ogeyn halkii ay ku dambeeyeen dableydii Alshabaab.

Intii uu dagaalkaasi socday ayaa waxaa dhacay qaraxii Labaad, kaasoo uu fuliyey ruux waday gaari nooca raaxada ah. Waxaana markaas kadib ciidamadu is baacsadeen dabley iyadoo rasaastu joogsatay markii dambe.

Rag hubeysan iyo Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in mudo ka badan 30 dsqiiqo in ay halkaasi ku dagaalamayeen,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kas oo gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo dad rayid ah.

Laamaha amniga Soomaaliya weli qaraxyadaasi iyo weerarka kama hadlin,waxaa sidoo kale weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan,waxaana xiran aaga ay qaraxyada iyo weerarka uu ka dhacay oo u dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas iyo qaraxyada ka dhacay agagaarka madaxtooyada.

4-32.jpg 1-45.jpg 3-38.jpg weerarkii-maanta-750x430.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this