Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe iyo walaaca beesha Mareexaan ee in Kismaayo lagala wareego

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shalay waxa uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43-aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland, oo dowladda Soomaaliya ay soo dirtay.

Taliyaha garoonka laga celiyey oo lagu magacaabo Cali Bogmadow ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday Guutada 43-aad, waxa uuna beddeli lahaa taliyihii xilkaasi laga qaaday ee Janaraal Ismaaciil Saxardiid.

Jubbaland waxa ay ku dooday in magacaabistan aan lagala tashan, ayada oo qodob ka mid ah dastuurka uu qorayo in taliyayaasha qeybaha ee loo magacaabayo deegaanada maamul goboleedyada la tashi lagala sameeyo madaxda maamulladaas.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa ogaatay in Axmed Madoobe uu qabo walaac ka weyn magacaabis taliye, oo aan lagala tashan, uuna ka wel welsan yahay in magaalada Kismaayo loogu yimaado.

Sida aan xogta ku helnay Axmed Madoobe, ayaa aaminsan in ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, ay dhowaanahan tiro ahaan iyo cudud ahaanba sii kordhayeen, ayaga oo dowladda ka helaya taageero.

Waxa uu rumeysan yahay in ciidankaas, oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ay dib usoo sheegan karaan magaalada Kismaayo, soona weerari karaan. Axmed Madoobe ayaa gacan ku haynta Kismaayo kala wareega Barre Hiiraale oo Mareexaan ah, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya.

Dhowaan ayay ahayd markii uu aad uga carrooday hub dowladda ay u dirtay ciidamadaas, waxaana Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu cabasho ka muujiyey in hubka ay dowladda u dirtay ciidamada jooga Gedo ay u gacan geleen Al-Shabaab.

Inkasta oo aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in hubkaas uu Shabaab gacanta u galay, haddana waxay ahayd qodob Axmed Madoobe u adeegsaday sida uu uga walaacsan yahay hubka gacanta u galay ciidamada beesha Mareexaan.

Axmed Madoobe oo ay aad isugu wanaagsanaayeen sanadihii dambe dowladda Xasan Sheekh, ayaa aad loogala tashan jiray dhammaan dhaqdhaqaaqyada deegaanada hoos yimaada maamulkiisa. Si kastaba, dowladda cusub ee madaxweyne Farmaajo ayaa billowday inay si toos ah ula macaamisho dadka reer Gedo, taasina ma farxad gelin Axmed Madoobe.

Dhowaan Axmed Madoobe waxa uu Nairobi kula kulmay siyaasiyiinta beeshiisa ee ku jira dowladda Kenya, isaga oo arrintan ka cabanaya, kana digaya qatarta ah in Kismaayo gacantiisa ka bixi karto. Lama oga waxa ay isku raaceen oo ay arrintan uga hortagi karaan.

Si kastaba, waxaa cad inuu aad u xun yahay xiriirka Axmed Madoobe iyo madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this