Deeq A. Posted July 12, 2018 Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe oo Xarun u ah Maamulka Hir Shabeelle. Gudoomiye Mursal ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madaxda maamulka Hir Shabelle kuwaasi oo wafdiga gudoomiyaha garoonka kaga hortagay wafdiga gudoomiyaha Baarlamaanka. Gudoomiyaha ayaa ka qeeybgalaya maanta furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hir Shabelle. Amaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo badan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Jowhar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites