Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiska dalalka Ethiopia iyo Eritrea ma caddeynaa in DF aysan qalad sameyn?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalgashiga oo ah mid ay faa’ido ku raadiyaan maalgashtaha iyo la maalgeliyaha waxaa uu dhexmaraa dowlado, hay’ado iyo shaqsiyaad wax maalgashta si ay ugu faa’idaan.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka leh Kheyraadka nuuc walba berri iyo bad, laakiin dadkii ehelka u ahaa kama faa’ideystaan mana u diyaarsana midaas.

Dowlado badan oo kamid ah kuwo horumaray ayaa aad u daneeya Soomaaliya gaar ahaan iney maalgashi ku sameeystaan dhulkeeda iyo badeeda balse waxaa u diidaya caqabadaha jira oo Amniga ugu horeeyo.

 Burburkii dalka kadib Soomaaliya nasiib uma yeelan in aduunka maalgashto marka laga reebo shirkado laga leeyahay dalal horumaray oo ka howlgala goobo cayiman.

 Soomaaliya waxey heshiis maalgashi la gashay dowladda Itoobiya sanadkan 2018 kaa oo ku saabsan in Itoobiya ay maalgelishato afar dakadood oo Soomaaliya dhaca, mana ahan micnaheedu  in ay la wareegayaan, kaliya waxey ku sameynayaan maalgashi waxaana bilaabanaya wax soo saar kadibna labada dal aay ka macaashaya.

Mucaaradka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabku ku wargeliyay in dowladda ay dakadihii dalka ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Dhawaan waxaa heshiisay dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya oo dagaal xun uu ka dhaxeeyay, waana laba dal oo deris ah, labada hogaamiye ayaa isku afgartay heshiisyo kala duwan waxaana ugu weynaa in Itoobiya ay maalgashato dekadaha dalka Eriteriya kadib markii la soo afjaray colaad dagaal oo u dhaxeysay muddo sanado ah labada dowladood.

Heshiiska Dowladaha Eriteriya iyo Itoobiya ee dekadaha kama duwana kan ay Itoobiya la gashay Soomaaliya, waana heshiis caadi ah oo dhibaato laheyn.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan u arkay heshiiska, qaar soo dhaweeyay iyo kuwo ka hor yimid, laakiin u baahan fahan guud in laga siiyo maalgashiga Itoobiya ee dekadaha Soomaaliya.

Waxa Soomaalida  dhibaya  ayaa ah in Xabashida oo naceyb badan ay u qabaan iney hadane dalkii maalgashtaan, maadama labada dal uu dagaal xun oo ilaa imaika laga sheekeeyo dhexmaray sanadkii 1977-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this