Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DUCAALE oo qorshe saraakiisha amaanka lagu kala sifeyn doono wada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu wado qorsho xil ka qaadis loogu sameynaayo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka.

Wasiir Ducaale ayaa la sheegay in Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Booliska iyo Nabadsugida uu usoo jeediyay inay xilalka ka xayuubiyaan ilaa Shan Saraakiil oo xilal waaweyn u haya Hay’adaha amaanka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Wasiir Ducaale uu gudbiyay soo jeedintiisa isla markaana jawaabta soo jeedinta laga sugaayo Taliyayaasha Nabadsugida iyo Booliska.

Saraakiisha lasoo jeediyay in meesha laga laalo ayaa waxaa kamid ah Maxamed Dahir oo mar soo noqday Taliyahii Saldhigga Degmadda Hodan, hadana qeyb ka ah Saraakiisha xasilinta ee loo heysto kiiska weerarkii Otto Otto.

Wasiir Ducaale, ayaa doonaaya in Hay’adaha amaanka laga dhex sifeeyo dhammaan Saraakiisha lagu tuhunsan yahay weerarka Otto Otto oo dhammaantooda horay uga soo goostay Al-Shabaab.

Sidoo kale, Saraakiisan ayaa lagu bedeli doonaa Saraakiil cusub oo ka howl duwan kuwa laga qaadayo xilka maadaama ay dowlada dhexdeeda uu ka jiro kala shaki.

Ma cada Saraakiisha weyn doonto xilkooda waxaana xusid mudan inay ku jiraan kuwo Saldhigyo u qaabilsan Booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this