Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo gudaha dalka Kenya ka soo afduubatay sarkaal ciidan kadib weerar

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online) – Taliyaha Boliska Garissa, David Kerina ayaa sheegay inay la’ yihiin Sarkaal la waayey, kadib, markii ay Dagaalamayaal Alshabaab habeen hore weerar ku qaadeen Bar ay Boliska Kenya ku leeyihiin Tuulladda Hamey oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab horey u kaxeysteen Sarkaalkaasi, kadib, markii uu dhacay weerarkaasi oo uu xusay in 4 Askari lagu dhaawacay.

Dhinaca kale. Taliyaha Boliska Garissa, David Kerina waxa uu tilmaamay inay socdaan Hawlgal lagu baadi-goobayo Sarkaalkaasi oo la rumeysan yahay inay Alshabaab kala soo gudbeen Xuduudka.

Ugu yaraan 20 dagaalamayaal Alshabaab aad u hubeysan ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Xeradda Boliska Kenya ku leeyihiin duleedka Garissa, waxayna Alshabaab burburiyeen Taawarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom oo ku taalla meel aan ka fogeyn Xeradda Boliska Kenya ku leeyihiin Xuduudka.

Al-Shabaab waxaa kaloo la sheegay inay gaari ay lahaayeen Boliska ku qabsadeen dagaalkaasi.

Isbuucii la soo dhaafay, weeraro iyo qaraxyo ay Alshabaab ka geysteen gudaha Kenya waxay ku dhaawaceen 9 ka tirsan Boliska dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this