Deeq A. Posted July 11, 2018 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites