Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil. C/risaaq oo mar kale ku celshay in la xalaaleeyo ciidamada xasilinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee amniga Somalia ayaa mar kale sheegay in ciidamada loo yaqaan xasilinta ee ka hawlgala magaalada Muqdisho aysan ku dhisneyn sharciyad.

C/risaaq Cumar Maxamed oo hadda ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in ciidamadu ay qabtaan howl muhiim ah, balse ay yihiin kuwo aan loo marin wado sharci ah.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed, waxa uu tilmaamay inaanu muran ka taagneen in baahi loo qaabo ciidan xasilin, balse habka ay ku shaqeeyan ay tahay mid khaldan.

Waxa uu Xildhibaanku cadeeyay in habka loo dhisay ciidamada uu kasoo horjeedo qodobka 126-aad ee Dastuurka Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanku waxa uu mar kale intaa raaciyay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay ka fiirsato habka ay ku dhisan yihiin ciidamada xasilinta, waxa uuna mugdi galiyay inaysan waafaqsaneen sharciga u yaal dalka.

Ciidamada xasilinta ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho ayaa ka shaqeeya suggida ammaanka Magaalada, inkastoo hawshooda ugu wayn ay tahay xirida wadooyinka Magaalada.

Sidoo kale, howsha ugu badan ee ciidankan ay qabtaan ayaa waxa ay tahay howlgalada Hub ka dhigista, qaadista weerarada goobaha laga shakisan yahay, galista goobaha ay galaan Shabaabka iyo inay xiraan wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan.

Geesta kale, ciidamada xasilinta ayaa ka hortaga shaqsiyaadka mucaaradka ee doonaaya in dalka ay ku burburiyaan dhaliishooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this