Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu danbeeyay ee baaritaanka Saraakiisha loo hayo weerarkii Otto Otto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa baaritaan lagu hayo qaabka uu u dhacay weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto oo ay wada dagan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.

Baaritaanka weerarkan ayaa la xaqiijiyay inuu ka socdo Xarunta baarista ee ku taal Madaxtooyada Somalia waxaana xoogeeda ka qeybqaadanaaya Saraakiil uu soo wakiishay Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Saraakiisha loo hayo kiiska Qaraxa oo kordhay ayaa waxaa lasoo warinayaa in iminka kiiska ku lug lahaanshaha weerarka lagu waayay ilaa 6 Sarkaal, halka qaarna wali lagu hayo baaritaan.

Lixda Sarkaal ee lagu waayay kiiska fududeynta weerarka ayaa si KMG ah looga sii daayay xarunta barista, halka saraakiisha kale wali lagu hayo baaritaan qoto dheer.

Saraakiisha lagu hayo baarista ayaa waxaa laga qaaday dhammaan Mobilada oo la sheegay in la dhageysanaayo haddii uu jiro xiriir kala dhexeeyay Shabaabkii weerarka ku qaaday Xarunta Otto Otto.

Saraakiisha wali lagu hayo baaritaanka ayaa iminka gaaraya 8 kuwaa oo kasoo haray 14-kii maalmahaani la hadal hayay baaritaankooda, waxaana laga yaaba in kiiska baaritaan uu kusoo biyo shubto ilaa Seddex Sarkaal oo aad loo tuhunsan yahay.

Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa dib usii deysay askar ka tirsan ciidamada ka howlgalaayay isgoosyada ay soo mareen gaadiidk Qarxay, kuwaa oo iyaguna lagu waayay kiiska.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana wali qabyo ah baaritaanka oo ay ka qeybqaadanayaan Saraakiil uu soo wakiishay Ra’isul wasaare Kheyre.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this