Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo mar kale soo saartay hanjabaad ka dhan ah qorshaha Ethiopia lagu siiyay afarta Deked

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa mar kale shaaca ka qaaday inay cuuryaaminayaan qorshaha lagu doonaayo in lagu hormariyo Dekadaha ay maalgalintooda DFS kula heshiisay Ethiopia.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in dano gaara ay ku hoos jiraan qorshaha lagu hormarinaayo Dekadaha, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga hortago.

Waxa ay maleeshiyada tilmaantay in hormarinta afarta Dekadood ay tahay mid maldahan oo lagu hoos qarinaayo bixinta Dekadaha, maadaama horay Kenya horay looga iibiyay qeyb kamid ah Badda.

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Mahad Warsame (Mahad Karataa) ayaa wuxuu sheegay in dhibaato badan ay ka dhalankarto haddii indhaha laga daawado bixinta Dekadaha.

Waxa uu sheegay in bixinta iyo qorshaha maalgashiga ay kusoo xigi doonto in magaalada Muqdisho ay noqoto caasimadda Dowladda Ethiopia  sida Yuhuuda loogu aqoonsaday in caasimadooda ay tahay Magaalada Barakeysan ee Qudus.

“Farmaajo oo ah nin Maraykan ah, kana tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto. Dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mahad Karateey.

Nuqul kamid ah haddalka Horjoogaha ayaa ahaa “Wax aanu noqon doonaa kuwa fashiliya qorshaha Dekadaha lasiiyay Ethiopia, waxaanu qireynaa in ujeedka uu yahay mid lagu bixinaayo Dekadaha”.

Waxa uu intaa ku daray “Ethiopia marnaba maankeeda kama baxo in ay inta ka dhiman dhulalkii Muslimiinta gacanta ku dhigto, xoog ama xeelad middii ay doonto haku qabsato, Imaaradii ugu dambeysey ee Muqdisho ku taallay waa tii qabsatay dabayaaqadii 2006-dii, iyadoo ay horboodayaan rag Soomaali ah oo dadkoodii iyo dalkiiba gatay, berigaas xabashidu waa lawada xusuustaa, iyagoo lugaynaya ayay badda Xeebta Muqdisho istaageen, qoryihii ayay foodda biyaha badda u geliyeen, iyagoo aaminay in ay wax Soomaali la yiraahdo u dhammaatay mar haddii ay Muqdisho muruq ku qabsadeen balse Laba sano oo Jihaad aanan waxba la iskula harin, Rag badan oo Mujaahidiin ahna ay naftoodii u hureen, Jihaadkaas kadib Ilaahay wuxuu qadaray in Itoobiya in ay Soomaaliya oo dhan lug uga baxdo, damaceedii guracnaana uu beenoobay”

Sidoo kale, waxa uu Sheekh Mahad Warsame sheegay Shabaab inay joojiyeen dhismaha wado ka timaada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wadadaasi oo la rabay inay toos u gasho Magaalada Hobyo.

Haddalka kasoo yeeray Horjoogahan ayaa u muuqda mid dhawaqa hanjabaada lagu gaarsiinaayo dowlada Ethiopia oo dhaqan galineyso hankeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this