Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeen Gubadle oo ka jawaabay eedeymo Puntland uga yimid Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka ciidanka difaaca Puntland Korneyl Maxamuud Axmed (Gubadle) ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeymo masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay u jeediyeen cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland ka dib shil gaari oo uu ku dhintey sarkaal xil ka haya maamulka Somaliland oo ka dhacay habeen ka hor Aaga u dhaxeeya tuuladda Geed-Qaboobe iyo Deegaanka Tukaraq.

Korneyl Gubadle oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay shilkaas gaari oo ay la socdeen A.U.N taliyihii ciidanka Degmada Taleex ee Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo xilal ka haya maamulka Somaliland, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha Somaliland ay usoo jeedisay Puntland,Isagoona sheegay dhibaatada soo gaadhey xubnaha xillalka ka haya Somaliland inay sabab u ahayd ka dib markii uu la qalibmay baabuurkii ay la socdeen.

Afhayeen Gudbadle ayaa ku eedeeyay Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Somaliland kuwo fidmo iyo isku dir in muddo ah ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna dusha u saarey inay masuul ka ahaayeen xubnahaasi falal lid ku ah amniga iyo dilal kala duwan oo lagu khaarajiyay waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool.

Jawaabta afhayeenka ciidanka Puntland waxay timid ka dib markey ku eedeeyeen Puntland xubno xilal ka haya Somaliland shil gaari gadoomay oo habeen ka hor ka dhacay Aaga deegaanka Tukaraq oo weli ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Afhayeen Gubadle oo ka jawaabay eedeymo Puntland uga yimid Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this