Sign in to follow this  
Deeq A.

Caasimada Online oo heshay warqado caddeynaya arrin uu xilka ku waayey wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta xilkii ka qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen kadib markii uu soo saaray wareegto xil ka qaadis ah.

Haddaba waxaa la is waydiinayaa sababta keentay in xilkii laga qaado wasiirkaan oo dhawaan xilkaan loo magacaabay.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay inay tahay sababtaas arrimo la xiriiro xajka kadib markii la sheegay inuu wasiirka la heshiiyey shirkadaha duulimaadka ee xajka qaabilsanaa.

Wasiirka ayaa doonayey in lacagaha xajka ay sidii hore sii ahaadaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu wasiirka diiday arrimada Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka iyo Ra’isulwasaaraha ayaa dhawr jeer ka wada hadlay arrimaha xajka, wuxuuna wasiirka watay qorshe u gaar ah kadib markii uu lacag ka qaatay shirkadaha Duulimaadka ee xajka qaabilsanaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorsho sanadkaan lagu raqiisanayo lacagaha xajka lagu aado waxayna dowladda horey usoo bandhigtay in sanadkaan lagu xajin doono ilaa 3,300 dollarka Mareykanka.

Waxaa maalmahaan soo baxay in shirkadaha iyo Wasaaradd Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay ku heshiiyeen in qiimaha laga dhigo 3,900.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqo uu Wasiirka u diray dowladda Sacuudiga oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online

e2ec90f7-4e96-4b20-9211-bcf1a837d15b.jpg 81fa6919-c740-4dda-857c-9c127df5ea4f.jpg b012e6fc-5ab8-4fe2-a374-f06d6f81a171.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this