Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isilwasaare Kheyre oo Xilka ka qaaday Mid kamid ah wasiirada Xukuumada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isilwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Goordhow xilkii ka qaaday mid kamid ah wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Ra’isilwasaare Kheyre ayaa xilkii ka qaaday wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen.

Digreetada ka soo baxay Xafiiska Ra’isilwasaaraha ayaa xilkaasi si KMG ah in uu u sii qabto loogu magacaabay wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashki.

Wasiir Xasan Macalin Xuseen ayaa xilkaasi Wasiirka Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta waxa uu haayay 44 Maalin oo kali ah  lamana oga sababta xilka looga qaaday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Xilka ka qaaday Mid kamid ah wasiirada Xukuumada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this