Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa kusoo kordhay xariga saraakisha DF ee loo haysto weerarkii Otto Otto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Omline) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xarig magaalada Muqdisho loogu geestay 14 Sarkaal oo loo heysto weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto oo Saldhig u ah Wasaarada Arrimaha Gudaha xukuumada Somalia.

Saraakiishan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa xarigooda wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay gelinkii dambe ay kulan deg deg ah Guddiga amniga ku yeeshen Muqdisho, kaasi oo uu shir Guddoominayay Wasiirka amniga.

Baaritaanka Saraakiisha ayaa ka socta xarunta baarista Villa Somalia iyo xarunta CID-da Degmada Hodan, waxaana ka qeybqaadanaaya Saraakiil ka socta  Wasaarada amniga.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in ku dhawaad afar Sarkaal ay ku cadaatay inay ku lug lahaayen weerarka Xarunta Otto Otto oo galitaankeeda ay u sahleen Al-Shabaab.

Baaritaanka Saraakiisha ayaa la xaqiijiyay inay fududaatay kadib markii codad dhageysi ah laga helay teleefoonada gacanka oo ay wataan kuwaa oo lagala xiriiraayay Ragga fuliyay ismiidaaminta iyo maleeshiyaadka gudaha u galay xarunta.

Sidoo kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in ciidamada dowlada ee ku sugan barahakoontarool ee lasoo mariyay gaadiidka qarxay ay qireen in Taliyayaashooda ay amar kusiiyeen inay fasaxaan gaadiidka, iyadoo wixii intaa kadanbeysay uu dhacay Qaraxa iyo weerarka fool-ka-foolka ah.

Geesta kale, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lasii deyn doono Saraakiisha qaar, halka gacanta baarayaasha ay kusii jiri doonaan Saraakiisha maamusha barahakoontarool ee lasoo mariyay gaadiidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this