Sign in to follow this  
Deeq A.

AL-SHABAAB oo shaacisay magacyada saraakiil sare iyo agaasimeyaal lagu dilay weerarkii xarunta Otto Otto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Alshbaab oo sheegtay weerarkii xarunta Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa shaacisay inay weerarkaasi ku dileen dad ka badan 30 qof.

Sida Alshabaab ku baahisay warbaahinta taageerta waxaa weerarka lagu dilay agaasimeyaal iyo saraakiil ka tirsan wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha waxayna ku sheegeen qaar ka mida

Sarkaalka ugu horeeya waxaa lagu magacaabaa Maxamed Axmad (ilkacase) oo ahaa xog-heynta wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Wuxuu ku  dhintay weerarka.

Liibaan Cusmaan, wuxuu ahaa Agaasimaha xiriirka gobolada ee wazaaradda Amniga dowladda Federaalka, isaguna waa ku dhintay weerarka

General Siyaad, wuxuu ahaa agaasimaha waaxda waxa loogu yeero “ladagaalanka Argagaxisada” wuxuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka.

Sarkaalkan waa Camiil u shaqeeya CIA-da Mareykanka oo ka mid ah hay’adaha sirdoonka dowladda Farmaajo, Wuxuu horay ugu dhaawacmay howlgal toogasho ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku beegsadeen gaari uu watay.

Cabdullaahi Siyaad oo isaga ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka wuxuu ahaa agaasimaha waaxda siyaasadda iyo sharciga oo hoostagta wazaaradda arimaha gudaha.

Axmad Yare oo ahaa xogheynta waziirka amniga ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, halka sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray agaasimihii maamuka maaliyadda ee wasaaradda arimaha gudaha oo magaciisa lagu soo koobay Cumar.

Saddex Sarkaal oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ayaa sidoo kale ka mid ahaa xubnaha ku dhintay  howlgalka sida ay ilo wareedyadu xaqiijiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this