Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Laba askari oo ka tirsan ciidamada DF oo lagu toogtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo magaalada Muqdisho waxaa goor dhaweyd lagu dilay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Suuq Bacaad waxaana lagu fuliyey laba askari oo mid uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada halka midka kalana uu ka tirsanaa Ciidamada Xasilinta ee lasoo dhigay  jidadka Muqdisho.

Dilkaan ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysnaa buskoolado, waxaana la xaqiijiyey inay toogashada kadib isaga carareen goobta uu dilka ka dhacay.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxayna dadka deegaanka xaqiijiyeen inaan gacanta lagu dhigin raggii dilka geystay.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolakn Banaadir weli wax faah faahin ah kaba bixin dilka labada askari ee ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay Xaafad ka mid ah Magalada Muqdisho.

Dilalka loo geysto ciidamadao dowladda ayaa maalmihii dambe kusoo badanay magaalada Muqdisho, wuxuuna dilkaan kusoo aadayaa xilli ay xiran yihiin inta badan jidadka Muqdisho.

Na jirto cid sheegatay dilkaan balse waxaa la tuhmayaa inay ka dambeyso kooxda Shabaab  oo dagaal lagu jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this