Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixintii EU-da ma tahay mid muujineysa in DFS ay ku saxneyd go’aakeeda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraarkii ku saabsan xaaladda Soomaaliya ee dhawaan ay meel mariyeen Baarlamaanka Midowga Yurub  oo arimo kala duwan kana taagan Soomaaliya looga hadlay ayaa hadane waxaa jirto arrimo in si dhab ah loo fahmo ay tahay.

Baraalamaanka Yurub waxeey warbixintooda ku faah-faahiyeen khilaafka dalalka Khaliijka iyo Saameynta uu Soomaaliya ku leeyahay. Waxa ay aheyd mid aysan ku farxin dalalka cunaqabateynta saaray Qatar oo ay ugu horeeyaan Imaaradka Iyo Sacuudiga.

Go’aankii dhexdhexaadnimada ee xasaradaha khaliijka ka qaadatay Soomaaliya waxaa uu ahaa mid lagu amaanay dowladda Soomaaliya sidoo kalena Midowga Yurub kama aysan hor-iman, waxaana micnaheedu yahay in ay ku taageereen.

Faragelin qaawan ayey ku hayaan Soomaaliya dalalkan taa oo abuuri karta caqabado kala duwan, hadii madaxda dalka aysan ka qaadan go’aan wax tar leh, ayay tiri warbixinta.

Sidoo kale dalalka Sacuudiga Iyo Imaaradka majirto wax xushmad ah oo ay u hayaan Soomaaliya, waxeyna wadaan faragelin qaawan iyagoo danahooda eegaya, ayaa lagu yiri warbixinta.

Imaaraadka waxay Soomaaliya uu ku colaadinayaan, maxaa u qaadatay dhex-dhexaadnimo oo dowladda Madaxweyne Farmaajo kaga faa’ideysatay waxyaabo farabadan.

Waxaa muhiim ah in aad sidoo kale ogaato in Imaaradka uu joojiyay taageeradii ciidanka iyo dowladda uu siin jiray sababo la xiriira in meesha ay ka baxday ujeedooyin uu ka lahaa Soomaaliya oo qaarkood ay halis ku ahaayeen Nabad galyada iyo dowladnimada.

Waxaa Imaaradka Iyo Sacuudiga dhowr mar ay isku dayeen in Soomaaliya ay ka soo leexiyaan jidka dhex dhaxaadnimada iyagoo malaayiin doller sida, balse wey ku hungoobeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this