Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Kala shaki soo kala dhex galay saraakiisha iyo waaxaha ammaanka DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan hay’adaha kala duwan ee dowladda kama dhex jirto is aaminaad iyo wada shaqeyn, waxeyna isula dhaqmaan shaqsiyaad aan waxba wadaagin oo kale, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Waxaa soo ifbaxay kala shaki iyo wadashaqeyn la’aan xoogan oo ka dhex bilabaabatay saraakiisha kala duwan ee Amaanka dowladda Fedeeralka Soomaaliya oo saldhigoodu yahay wasaaradda Amniga.

Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Amniga, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo Jeneraalada Ciidanka oo hormuud u ah shaqada laga qabanyo Amniga ayaa kala shakisan waxaana la ogaaday kadib weerarkii abaabulnaa ee lagu qaaday xarumaha wasaaradaha Amniga iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo halmeel kuwada yaala kana mid ah meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo.

Sidoo kale waxaa jirta in wada shaqeyn aysan jiri doonin hadii la waayo mas’uuliyiin qaadata ama ku lug leh weerarkii shalalay ee Otto Otto oo maxkamad la soo taago, waxaana loo baahanyahay isbadal balaaran oo lagu sameeyo waxaaha shaqada ku leh arimaha amniga.

Dhibaatada ugu weyn ee amniga heystaya ee abuurtay kala shakiga ayaa ah, yaa suura geliya in xarumaha dowladda la weeraro, iyadoo amniga goobahaas si aan caadi aheyn loo ilaaliyo gaar ahaan goobtii ay Shabaabku weerareen oo wasaarado kala duwan ku howlgalaan waxaana ku dhintay mas’uuliyiin iyo shacab.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga ayaa kala war gaabsaday kadib markii Wasiir Isloow dhowr jeer loogu baaqay inuu iscasilo maadamaa qaraxyo dhowr ah ay dhaceyn intii uu xilka hayay.

Sidoo kale La-taliyaha wasaaradda Amniga xukuumadda Federalka Soomaaliya ahna Afayeenka wasaaradda Cabdicasiis Cali Ibrahim Xildhibaan ayaa ka dhawaajiyay arimo aan caadi aheyn isagoo shacabka la saftay sheegayna in mas’uuliyiintta dowladda ay hesytaan Baasaboor a dal kale ku aadaan hadii dhiibtooyin ka dhacaan wadanka waxaana uu is weydiyay su’aal madaxda dalka aysan ka hadlin oo ah ” Sideey suurtagal ku noqotay in Shalay uu Qarax dhaco iyadoo Magaalada Qadka Cagaaran uu ka jiro”

Hadalkaas ayaa cadeynaya in wada shaqeyn la’aan ka dhex jirto wasaaradda amniga oo looga fadhiyo iney ilaaliso guud ahaan nabad galyada dalka iyo waliba Caasimaadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this