Sign in to follow this  
Deeq A.

“Weerarkii Otto Otto waxa uu inoo caddeeyey hal arrin waa in la baaraa saraakiisha”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumaddii hore C/risaaq Cumar Maxamed ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in loo baahan yahay in isla xisaabtan uu yimaado, sida ay ku suura gashay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Otto Otto.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa su’aal ka keenay in iyadoo magaalada jidadkeeda la soo xiray, isla markaana ciidamo badan la dhigay waddooyinka sida ay ku soo mareen baabuur qarax iyo rag hubeysan oo ay ku tageen meelihii amniga halbowlaha u aheyd.

“Tani waxay cadeyneysa inaysan wax macno ah lahayn jid la xiro iyo in dadka isu socodkooda la xayiro” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga oo soo jeediyay in baaritaan lagu sameeyo wixii shalay ka dhacay Muqdisho oo aan laga aamusin, isla markaana ay cid mas’uuliyadeeda qaadato.

“Dhibaatada Soomaalida heysata waxba dhacaya lama baarayo, lagamana daba tagayo, qof kasta in Mas’uuliyadiisa in la saaro loo baahan yahay, intaas meel ayay soo mareen in meesha amniga halbowlaha aheyd in la weeraro waa in cid mas’uuliyadeeda qaadataa..” ayuu yiri C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mida xildhibaannada ku kacsan dowladda ay hoggaamiyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

Wuxuu sharci darro ku tilmaamay jiritaanka ciidamada Xasilinta, isagoo sheegay inay dhibaatooyin ay u geysteen dadka shacabka ah, wuxuuna si cad u sheegay in ciidamada xasilinta aan la ogeyn cidda u taliso iyo cid looga dacwoodo, wax sharci ahna aysan ku dhisneyn.

Xildhibaan C/rasaaq Cumar Maxamed ayaa ku dooday in maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ay qaraxyadu ka yaraadeen taasina aysan ku imaan waddooyin la xiray iyo ciidamo la keenay magaalada balse ay ku timid taliska Mareykanka ee ARFICOM oo kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee talisku ka geysanayo saldhigyada Shabaabka.

Weerarkii shalay ka dhacay xarunta Otto Otto ayaa waxaa isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 10 ruux, halka tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this