Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Weerarka Otto Otto oo khilaaf ka dhex abuuray Kheyre iyo saraakiil sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdiaho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin iyo mid toosa oo lagu qaaday Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia ee Otto Otto.

Weerarka oo khasaaro lixaad leh geystay ayaa khilaaf ka dhex abuuray Madaxda ugu sareysa dalka iyo Hay’adaha amaanka dowlada. Khilaafka ka dhashay weerarka ayaa xoogiisa u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka.

Khilaafka ayaa soo ifbaxay kadib markii ra’iisul wasaaraha aad ugu carrooday, una canaantay saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka oo shaqadii loo igmaday kasoo bixi waayey.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo aan ku qancin warbixinta laga siiyay weerarka ayaa amar ku bixiyay in Jawaab degdeg ah laga keeno weerarka muddo 48 saacadood, iyadoo haddii jawaabtaasi la waayo ay xilka ku weyn doonaan ilaa 4 Taliye ciidan oo arrintan ay saameyneyso.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sida la sheegay aamini waayey in baabuur qarax iyo maleeshiyo ay awood u yeesheen inay soo galaan xarun dowladeed, oo aad ugu dhow xarunta baarlamanka iyo Villa Somalia.

Waxaa jira warar sheegaya in Kheyre tuhmayo in Shabaabka ay gacan ka heleen dad ku jira dowladda, uuna dalbadaya baaritaan culus, inkasta oo arrintaas aan caddeyn loo hayn.

Sidoo kale, weerarka Wasaarada ayaa tuhun weyn ka dhex abuuray Madaxda Hay’adaha amaanka waxa ayna xogtu ay muujineysa in ciidanka dhexdiisa kala shakisan yihiin, oo loo maleynayo in Shabaabku gacan ka heleen askarta dowladda, sababtoo ah waxay soo dhaafeen dhowr bar kantarool, ayaga oo aan la qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this