Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan oo FARMAAJO uga yeeray magaalada Istanbuul (Ujeedka)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdiaho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u kictamo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Jabouti ayaa u sii gudbaya dalka Turkiga si uu uga qeyb galo Caleemo saarka Madaxweynaha Turkiga.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Turkiga ayaa ku qotoma ka qeybgalka Munaasabada Caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha dalalka carbeed ee casuumaada ka helay Erdogan waxaana la filayaa in maalinta Berrito ah ay ka dhacdo dalka Turkiga,waxana ka qeybgeli doona madax badan oo ka mid ah saaxiibada dalka turkiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in caleemasaarka dhigiisa Turkiga uu ka jeediyo Khudbad dardaaran ah oo ku saleysnaan doonta gudashada mas’uuliyada saaran.

Dhinaca kale, Erdogan ayaa marti galiyay ku dhawaad lix Madaxweyne oo afrikan ah kuwaa oo siyaasad ahaan aad ugu dhow.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this