Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kaalin intee la’eg ayey mucaaradka DFS ku leeyihiin Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca MUQDISHO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya xogo muujinaaya in Qaraxyada ugu badan ee kadhaca magaalada Muqdisho fulintooda aysan ku ekeen keliya maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Qaraxyadaasi fulintooda ay kaalin mug leh ka qaatan Siyaasiyiin aad uga soo horjeeda Siyaasada dowlada Somalia iyo Nabadgalyada ka jirta dalka.

Siyaasiyiinta looga shakisan yahay inay ka qeybqaatan Qarxyada iyo amni darada ka jira dalka ayaa ka shidaal qaata dowlada aadka uga soo horjeeda isbedelada xiligaani ka jira Somalia.

Ahmiyada Siyaasiyiintan ayaa ah in magaalada Muqdisho ay saaxiib u noqoto amni darro, waxaana xusid mudan in dhaqaale xoogan ay ku qaatan qalqalka amni ee magaalada Muqdisho.

Dowladaha gadaal ka riixaya Siyaasiyiinta fududeeya Qaraxyada Siyaasadeed ee ka dhaca dalka ayaa waxaa kamid ah Imaaraadka, Sacuudiga iyo Kenya oo iyadu sal balaarsi ku heysa deegaanada ku yaalla xadka kala dhexeeya Somalia.

Dhaqaale ka duwan kan mushaarka u ah Siyaasiyiinta ayaa ku baxa fududeynta iyo isku xirka shaqsiyaadka Al-Shabaab u qaabilsan Qaraxyada kuwaa oo dhaqaale ka abuurta dhiiga shacabka.

Siyaasiyiinta ugu badan ee farta ay ku godan tahay ayaa ah kuwa inta badan dowlada Somalia ku dhaliila adkeynta amniga caasimada,waxa ayna aad u doon-doonaan in dhagahooda ay ku dhacdo Qaraxyo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Qaababka ay Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Siyaasiyiinta uga qeybqaatan amni darada iyo Qaraxyada ka dhaca dalka ayaa ah:-

1-Dowlada Somalia oo lagu dhaliilo adkeynta Amniga.

2-Mucaaradka oo Howlgalada joogtada ah u rogo mid lagu u gaarsanaayo shaqsiyaad gaara.

3-Taageerida dhinacyada lidka ku ah amniga iyo iyaga oo ka dhex macaasha amni darada sida Qaraxyo dhaca iyo dilalka oo bata.

4-Wax ka sheegida guulaha dowlad iyo in la niyad jabiyo madaxda si ay u kordhaan cadowda dowlada sida Al-Shabaab.

5-Madaxda dowlada oo laga dhigo kuwo ka weecday wadada, iyagoo ujeedka mucaaradka uu yahay in magaalada Muqdisho ay kuwada noolaadan Al-Shabaab iyo Dowlada, si aysan horay ugu socon dowlada.

Sidoo kale, Mucaaradka Dowlada oo doonaaya inay dhabarka jabshaan dowlada iyo midnimada ayaa Al-Shabaabka geysta dilalka iyo Qaraxyada uga dabataga Xabsiyada, iyagoo kusoo daaya damaanad.

Si kastaba ha ahaatee, kaalinta ay mucaaradka ku leeyihiin amni darada ka jirta dalka waxa aad ka dheehan kartaa khudbadahooda oo inta badan lagu cambaareeyo nabadda ka jirta dalka iyo talaabooyinka ay dowlada ku adkeyneyso amniga.

Caasimada  Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this