Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kheyre oo aad ula yaabay hal qaab oo ay u dhawacmeen shaqaalihii DF ee Otto Otto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada ku yaala magaalada Muqdisho ee la dhigay dhawacyada shaqaalaha Wasaarada arrimaha gudaha ee waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii shalay.

Ra’isul wasaare Kheyre oo mid mid u booqday dhaawacyada ayaa aad ula yaabay dhalinyarada la dhigay isbitaalada kadib markii ay dhamaantooda ahaayen kuwo qaba hal dhaawac.

Dhawacyo kabadan Sagaal ayaa qabay dhaawaca hal nooc, waxa ayna dhamaantooda ahaayen kuwo ka wada jabay lugaha iyo gacmaha.

Dhakhaatiirta oo sharaxaad ka bixinaayay kiisaska dhaawacyada ay qabteen ayey Ra’isul wasaare Xasan Kheyre u sheegen in kuwa ugu badan ay yihiin kuwo qaba dhaawacyo fudud oo Jabiin ah.

Kheyre oo weydiiyay bukaanada waxa sababay jabniinka ayaa waxa ay qireen in dhamaantooda ay ahaayen kuwo kasoo booday dhismaha Wasaarada iyaga oo ka cararaayay in maleeshiyada ay ugu galaan xafiisyada.

Mid kamid ah bukaanada ayaa Ra’isul wasaare Kheyre ku yiri “Sababta aan isaga soo tuuray dhismaha waxa ay aheyd inaan is arag Al-Shabaabka nagu soo weeraray xarunta waayo haddii ay kugu soo galaan qololka waxa ay kuula dhaqmayaan si ka fog islaanimada”

“Waxaan doorbiday inaan iska tuuro dhismaha oo aan ku dhinto si sharaf leh, waayo dhibka ugu badan ee isoo gaaraya waxa uu noqon karaa jab”

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhawacyada daran u ballanqaaday inuu geyn doono caafimaad dibadda ah.

Kheyre-1.jpg?resize=681%2C430&ssl=1 Kheyre-2.jpg?resize=681%2C454&ssl=1 Kheyre-3.jpg?resize=681%2C454&ssl=1 Kheyre-4.jpg?resize=681%2C454&ssl=1 Kheyre-5.jpg?resize=681%2C454&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this