Sign in to follow this  
Deeq A.

Ogow sababta keentay weerarka xarun dowlad xili la adkeeyey amniga Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho oo xukuumadda Federalka Soomaaliya ay dhistay ayaa si weyn uga howlgalaya Magaalada Muqdisho afartii bil ee la soo dhaafay, waxaana amniga ay ku xaqiijinayeen qaabab kala duwan oo aan horay loo arkin sida in dhamaan wadooyinka isgoysyada Magaalada Muqdisho ciidamo la dhigo (Check Point), in  jid-cadayaasha xaafadaha gabi ahaanba lagu xeray caro iyo dhagxaan.

Waxaa intaasi dheer in ciidamada ay si aad ah u baarayaan gawaarida iyo dadka shacabka ah, waxaana sidaas si ka duwan loo adkeeyaa wadooyinka farasmagaalaha sida jidka Makka-Al Mukaramma oo dadka u shaqeeya dowladda si aad ah u istcimaalaan, gaar ahaan agagaarka sayidka oo kaliya ay isticmaalaan gawaarida dowladda iyo mas’uuliyiita kala duwan ee la shaqeeya, waxaana ay aad ugu dhawdahay dhismaha Otto Otto  oo ah halka  weerarka lagu qaaday ee  xarumaha dowladeed.

Waxaa muhiim ah inaad ogaato in aysan jirin joogteynta shaqada ugu adag ee dalka oo ah sugidda Amniga, waxaana xili walbo jirta habacsanaan dhanka amaanka ah oo sabab u ah wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta qeybaha kala duwan ee hay’adaha amaanka iyo isla-xisaabtan la’aan.

Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo ay xigeen rag hubeysan waxa ay la eegteen xarumaha wasaarada arimaha gudaha iyo Amniga oo shacab iyo mas’uuliyiin dowladeed ay ku wax yeeloobeen, waxaana xarumahani ay u dhaw yihiin dhismaha Madaxtooyadda Villa Soomaaliya,  su’aalo badan la iska weydiinayaa sida sahlan ee weerarka lagu fuliyay, iyadoo la ogyahay in si weyn loo adkeeyo Amniga xarumaha dowladda ku holwgasho.

Waxaad xisaabta ku darsataa  in weerarada nuucaan oo kale ah ee lagu qaado xarumaha dowladda iney yihiin kuwo si aad ah looga soo shaqeeyo waxaana Al Shabaab ay kala kaa shadaan saraakiil katirsan dowladda Federalka Soomaaliya, mana jirto wax dabagal iyo baaritaan ah oo lagu sameeyo sida dhacdayba dhowr jeer oo hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this