Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale oo jawaab tii laga filayey ka duwan ka bixiyey weerarkii xarunta Oto Oto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle) ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ka hortagaan falal amni darro ka badan hal iyo laba Qarax.

Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu xiligan yahay mid leysku haleynkaro, waxa uuna cadeeyay in dhinacyo gaara ay ka faa’iideysanayaan dhibaatooyinka ku dhaca shacabka.

Wasiir Ducaalle, waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ka dhici jireen weeraro badan, balse hadda laga hortagay wixii badnaa.

“Muqdisho lama dhihi karo amni darro ayaa ka jirta maaha in la eego hal Qarax oo dhaca waa in dib loo eegaa tirada badan ee la fashiliyay”

“Muqdisho waxa ay adduunka kala mid tahay dhibta Qaraxyada, balse waxaa mas’uuliyad naga saran sida aan ku adkeyn laheen amniga”.

Wasiir Ducaalle waxa uu tilmaamay in ka hortaga musiibooyinka Al-Shabaab ay mas’uuliyad ka saran tahay cid waliba oo ay ku jirto wadaniyad, waxa uuna ku baaqay in dowlada lagala shaqeeyo wixii amni ah.

Sidoo kale, dhinacyada nabadiidka ayuu ugu goodiyay inay ka dabagali doonaan god waliba oo ay galaan, waxa uuna carab ***** in amniga Muqdisho uusan ku burburi doonin af iyo Qarax, hase yeeshee ay ilaalsan doonaan shacabka.

Waxa uu cadeeyay in amni darada ka jirta dalka ay horseed u yihiin shaqsiyaad u saaxiib ah carqaladeynta xasiloonida a jirta dalka, kuwaa oo uu sheegay inay u baahan yihiin in si wada jira looga hortago.

Hadalka Ducaale ayaa dad badan ka yaabiyey isaga oo xilli dadweynaha doonayeen inay ogaadaan sababta qaraxii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha uu ku jawaabay “Waxaa ka badan qaraxyada aan ka hortgano”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this