Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ka jira in Al-Shabaabkii ka dhex dagaalamay Oto Oto ay baxsadeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Hay’addaha amniga dowladda ayaa sheegay in la toogtay saddex nin oo ka mid ahaa raggii weeraray dhismaha ay wada degan yihiin Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha gudaha Somaliya ee Oto Oto.

Saraakiisha waxa ay sheegeen ragga weerarka soo qaday oo ka koobnaa Shan ruux, mid ka mid ah inuu kaxeynaayay gaariga qaraxa lagu fuliyay, halka ruuxa kalena uu isku qarxiyay irida hore ee dhismaha Wasaaradahan.

Warar madax-banaan oo kaa ka duwan ayaa sheegaya in Seddexda maleeshiyo ee la sheegay in la toogtay ay ka baxsadeen dhismaha Wasaarada.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo ku labisnaa dareeska ciidamada xasilinta iyo kuwa Booliska ayaa si nabad galyo ah uga dhex baxsaday Xarunta Wasaarada inta uu socday iska hor imaadka.

Gudaha Xarunta ayaa waxaa lagu dhex arkaayay dareeska ciidanka oo ay siibeen Maleeshiyaadka si ay uga mid noqdaan dadka la badbaadinaayay.

Mid kamid ah askarta gudaha u gashay xarunta ayaa yiray “Ma arag maleeshiyaad lagu dilay weerarka inta aan ku guda jirnay badbaadinta shaqaalaha Wasaarada waxaan arkaayay Seddex darees oo la ii sheegay inay iska siibeen maleeshiyaadka”

“Sida ay rumeysan yihiin ciidamada maleeshiyaadka waxa ay kamid noqdeen dadkii la badbaadinaayay ee ka baxay daaqada, waxa ay iska siibeen dareeskii ay wateen oo aniguba aan arkay”

“Haa waxa ay ku baxsadeen dhar shacab oo ay ka hoos wateen dareeska ay siibeen”

Sidoo kale, maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay inay baxsadeen kadib markii ay u tag waayen hujuumka kaga imaanaya ciidamada dowlada oo dhowr jiho ka galay xarunta, iyadoo xogta ilaa iyo hadda la hayo ay muujineyso inay ka baxeen qeybta danbe ee dhismaha.

Inta badan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku daya in weerarka iyo xasuuqa kadib ay ka baxsadaan goobaha ay galaan mana aha mid cusub dhaqanka baxsashada shabaabka.

Dhinaca kale, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ku qanci la’ qaabka uu u dhacay weerarka, Meydadka shabaab oo aan muuqooda la arag iyo Gaariga weerarka koowaad geestay oo laga qaaday birta  hore ee wasaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this