Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro cusub: Khasaaraha ka dhashay weerarka W/A/Gudaha DFS oo sii kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ku dhawaad 16 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo maanta lagu weeraray Wasaaraha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.

Dhaawacyada ay waxyeelada kasoo gaartay Qaraxyada ayaa kor u dhaafaya 25, waxaana xusid mudan in dadka ugu badan ay kusoo dumeen dhismooyinka Wasaarada.

Labada qarrax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lala beegsaday dhismaha Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo xarun u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo Ciidanka booliska Taraafikada ee loo yaqaano Oto Oto.

Dad badan ayaa ku go’doomay xarunta la weeraray intii ay socdeen qaraxyada iyo dagaalka ka dhacay gudaha xarunta. Dadka qaar ayaa la sheegay in ay ka boodeen daaqadaha.

Xarunta Oto Oto ayaa aad ugu dhaw dhismaha baarlamaanka iyo iyo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Maleeshiyada Al Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkani. Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya kaa oo ku aadan tirada rasmiga ah ee khasaraha .

Qarax-1-1.jpg?resize=696%2C470&ssl=1

Qarax-4-1.jpg?resize=696%2C452&ssl=1

Qarax-5-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qarax-6-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qarax-7-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qarax-8-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qarax-9-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qarax-10-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qarax-11.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qarax-12.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Qarax-14.jpg?resize=696%2C437&ssl=1

Qarax-15.jpg?resize=696%2C391&ssl=1

Qarax-2-1.jpg?resize=694%2C462&ssl=1

Qarax-3-1.jpg?resize=696%2C370&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this