Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dhimashada & Dhaawaca weerarka Wasaarada A/Gudaha DFS oo la ogaaday (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo goordhow qabtay Shir Jaraa’id ayaa sheegay in gebi ahaanba lasoo Afjaray Weerarkii  Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Wasiir Daahir waxaa uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, waxaana uu tilmaamay in Caafimaad dibadda ah loo qaadi doona dadkii maanta ay waxyeelado soo gaartay ee aan dalka wax looga qabankarin.

Waxa uu Wasiirku sheegay in dadka dhintay ay u badnaayen shaqaalihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo tirro kale oo shacab ah, sidda uu sheegay Wasiir Daahir Geele.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayuu yiri “Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay”

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxa ayaa kor u dhaafaya 14, halka dhaawacana uu intaa kasii badan yahay.

Sidoo kale, Hay’ada Aamin Ambulance, waxey sheegtay in Intii uu socday samata bixinta ay qaadeen 21 Qof oo dhaawacyo kala duwan qabay kuwaasoo ay ula carareen Goobaha Caafimaadka si xaaladooda loola Tacaalo, Dadka dhaawacmay ayaa isugu jiray dad waxyeelo ka soo gaartay Labadii Qarax ee dhacday iyo Dad ku waxyeeloobay Rasaastii la maqlayay.

Waxa ay sidoo kale Aamin Ambulance sheegtay iney Qaadeen Meydadka 12 Qof oo Ku sugnaa Goobta uu weerarka dhacay, waxa ayna intaa raaciyeen inay suuragal tahay in tirada Meydka uu intaa kasii bato.

Dhinaca kale, Goobta la weeraray Waxaa markeedii hore si Caadi ah udaganaa Wasaarada arimaha Gudaha, iyadoo Sanadii hore ay la soo dagtay Wasaarada Amniga, Waxeyna sidoo kale Xarun u eheyd Qeybta War laliska Ciidanka Booliska ee Tilifoonka 888.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this