Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo hadal yaab leh kasoo saartay weerarka Wasaaradda A/Gudaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab  ayay ku sheegatay mas’uuliyadda howlgal isugu jira qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo ka socda bartamaha magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen dhismaha wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal guuleystay ku qaaday xarumaha murtadiinta ee Muqdisho, camaliyad istish-haadi ah ayaa howlgalka lagu daah furay kadibna rag inghimaasiyiin ah ayaa gudaha ugu daatay cadowga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ay maqlayaan jugta qaraxyo is xigxiga iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo xilli amaanka Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyey waxaana lama filaan noqotay in la weeraro wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taal meel aad loo ilaaliyo.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo in la maqlayo rasaas inkastoo ay sidii hore ka yaraatay lamana ogi haddii Maleeshiyadii meesha gashay laga saaray.

Wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa inshaa Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this