Sign in to follow this  
Deeq A.

Rasaas wali ka dhex socta Gudaha Wasaarada & Ciidamada NISA oo gudaha u galay xarunta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal wali ka dhex socda Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia.

Dagaalka xoogiisa ayaa hadda ka socda dabaqa dhexe ee Wasaarada, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada Nabadsugida qeybta Xasilinta ay goordhow gudaha u galeen Xarunta Wasaarada.

Ciidamada oo adeegsanaaya jaran-jarooyin ayaa la wareegay qeybta ugu sareysa dhismaha Wasaarada waxaana dhismaha laga dhexmaqlayaa Bamgacmoodyo ay adeegsanayaan maleeshiyaadka ka dhex dagaalamaaya xarunta.

Maleeshiyaadka dagaalamaaya ayaa xiran jaakadaha ismiidaaminta waxa ayna ciidamada isku dayayaan inay toogtan maleeshiyada kahor inta aysan u dhawaan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa daaqadaha dhismaha Wasaarada kasoo saaraya shaqaalaha qaar ee wali ku dhex jira Wasaarada waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinaayo shaqaalaha ku go’doonsan xarunta.

Banaanka Wasaarada ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Meydadka Askar ka tirsan dowlada kuwaa oo la socday mas’uuliyiin, halka qaarna ay yihiin ciidamada ilaalada xarunta oo ku baxay qaraxii koowaad.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono waxa ayna ciidamadu wadaan dadaal lagu soo afmeerayo dagaalka ka dhexsocda xarunta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this