Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Weerar lagu qaaday xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso weerar dableey hubeeysan ay ku qaadeen xarunta wasaarada arimaha gudaha ee Muqdisho.

Weerarkaan ayaa ka dhacay xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha oo ku taala Isgooyska Sayidka ee Muqdisho.

Dableyda ayaa markii hore waxa ay ay gaari qaraxa ku dhufteen albaabka xarunta wasaarada Arimaha Gudaha.

Dhowr nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaarada Arimaha Gudaha kuwaasi oo ay la dagaalamayaan Askarta dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada ayaa dadka ku go’doosan xaruntaasi iminka soo bad baadinaya.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma ogo qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Faahfaahin: Weerar lagu qaaday xarunta Wasaarada Arimaha Gudaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this