Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo ugu danbeyntii Qalbi-Dhagax ka dalbaday hal arrin (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa kulan khaasa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku qaatay Siyaasiga mucaaradka ku ah dowlada Somalia Abdirahman Abdishakur Warsame iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Kulanka khaaska ah ee labada mas’uul oo qaatay ku dhawaad saacad iyo bar ayaa waxaa si gaara looga hadlay qorshooyinka uu Siyaasiga ku doonaayo in lagu jaanrogo siyaasada Somalia.

CC Shakuur ayaa Qalbi-Dhagax u sheegay in garabka mucaaradka ay aad u daneynayaan shaqsiyaadka miisaanka ku dhex leh dalka, maadaama ay ku xiran yihiin bulsho badan.

CC Shakuur waxa uu Qalbi-Dhagax u cadeeyay in dhammaan mucaaradka kasoo horjeeda dowlada ay ku garabsiinaya sida uu ku gaari lahaa hankiisa Siyaasadeed, waxa uuna sidoo kale usoo bandhigay inay u furan tahay kusoo biirida Xisbigiisa.

“Waan xiiseynaa shaqsiyaadka kulamidka ah waxaan fursad kuu siineynaa inaad nagu soo biirto si aan u xoojino hanka siyaasada”

“Xisbiga wadajir waxa uu kasoo dhexmuujin doona siyaasiyiinta kale waxaasi oo dhan waxa ay imaan doonaan midowgeena kadib waa inaad nala eegtaa dalabkeena ku aadan inaad nala midowdo”

Qalbi-dhagax.jpg?resize=696%2C928&ssl=1

CC Shakuur waxa uu Qalbi-Dhagax u sheegay inuu yahay Soomaali xor u ah ku biirida jiho waliba, sidaa aawgeed ay muhiim tahay inuu ka jawaabo dalabyada mucaaradka, waxa uuna sidoo kale uga digay inuu u socdaalo magaalada Muqdisho.

CC waxa uu Qalbi-Dhagax u cadeeyay in Dowlada Somalia ee hadda jirta aan leysku aaminikarin, sidaa aawgeed ay muhiim tahay inuu kusii nagado magaalada Nairobi oo uusan gaarin Muqdisho.

Sidoo kale,  CC Shakuur ayaa qalbi-Dhagax ku wargaliyay in dhammaan xisbiyada iyo dhinacyada mucaaradka dowlada u sameyn doonaan casuumaad gaara si loo falanqeeyo wax kabedelka Siyaasada Somalia.

Dhinaca kale, Xisbiyada mucaaradka kasoo horjeeda dowlada ayaa xooga saaraya sida uu uga mid noqon lahaa Qalbi-Dhagax oo waayadan kusoo caanbaxay xarigiisa Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this