Sign in to follow this  
Deeq A.

AUSTRALIA oo jawaab ka bixisay go’aankii dunida ka yaabiyey ee Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Australia Tony Abbot ayaa markii ugu horeysay shaaciyay inuu taageeray Go’aanka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku mamnuuceen Isticmaalka Bacaha.

Tony Abbot, waxa uu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid wanaagsan, waxa uuna dhankiisa ka qiray in Bacaha ay khatar ku yihiin dadka iyo xoolaha.

“Shabaab ma jecleysan inay sii jiran balse waxa aan aad usoo dhaweynayaa qodobka deegaanadooda looga mamnuucay isticmaalka Bacaha”

Sidoo kale, Tony Abbot, waxa uu sheegay in Bacaha ay khatar halis ah ku hayaan deegaanada laga isticmaalo, waxa uuna horey u soo jeediyey in bacaha laga mamnuuco magaalada Woolworths ee dalka Australia.

Balse waxa uu haatan ka soo horjeestay aragtidaasi inkastoo go’aankaasi markii danbe uu ka dhaqan galay Woolworths.

Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Australia ayaa carab ***** in ka badan 3.9 billion oo bacaha lagu adeegto sannad kasta laga isticmaalo qeybo kamid ah Gobolada Australia.

Go’aanka Al-Shabaab ayaa aad uga yaabiyey dunida, ayada oo dad badan isweydiiyeen sabab urur dadkii bani’aadamka laynaya uu uga fakaro deegaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this