Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda Somalia oo hub iyo saanad ku biirisay dagaalka ka socda Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay Hub iyo Saanad ciidan ugu deeqday dadka shacabka ah ee ku dhaqan qeybo kamid ah Gobolka Mudug.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in diyaarad siday Hub, Saanad iyo Dawo ay galinkii danbe shalay ka duushay magaalada Muqdisho, taa oo gaartay magalada dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Dowlada ayaa siday Hubka waxaana lagu wareejiyay Sheekh Shaakir oo ah Madaxa xukuumadda Galmudug iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Galmudug.

Dowlada ayaa Hubka iyo Saanada ugu tallo gashay in dadka deegaanka ay kula dagaalaman maleeshiyaadka Al-Shabaab si ay u difaacdan hantidooda.

Deegaano ay kamid yihiin caad iyo maamiyo ayaa dagaaladii u dambeeyey ay ka dhaceen,waxaana la sheegay in dagaalka labada dhinac uu ku kala gaaray khasaaro aad u farabadan.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana soo baxaaya in deegaanadii lagu dagaalamay badi ay la wareegeen Al-Shabaab.

Dagaalka oo weli taagan ayaa waxaa lagu kala gubay Gaadiid iyo Guryo dhowr ah, waxa ayna dowladu dooneysaa inay hubeyso shacabka si Al-Shabaab looga saaro deegaano ay qabsatay.

Geesta kale, waxaa aad u kacsan xaalada deegaanada caad iyo maamiyo, waxaana aad looga cabsi qabaa in Shabaabka ay isku balaariyaan deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this