Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha ku shaqada leh siyaasadda oo soo Xirmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir-lagu-soo-xiray-Muqdisho-1.jpg?resizMuqdisho (PP) ─ Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gaba-gabada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambayn, Waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye isagoo uga mahadceliyay Wasaaraddda Arrimaha Dastuurka doorkeeda qabanqaabineed ee shirka.

Shir-lagu-soo-xiray-Muqdisho-2.jpg?resiz Shir-lagu-soo-xiray-Muqdisho-3.jpg?resiz Shir-lagu-soo-xiray-Muqdisho-4.jpg?resiz Shir-lagu-soo-xiray-Muqdisho-5.jpg?resiz

PUNTLAND POST

The post Shirkii Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha ku shaqada leh siyaasadda oo soo Xirmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this