Sign in to follow this  
Deeq A.

5 arrin oo soo afjari kara in kooxaha AL-SHABAAB iyo DAACISH ay hub helaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahada Al Shabaab oo in Muddo ah ka talinaya qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa waxa ay helaan hub sharci darro ah oo ay adagtahay in si dhab ah loo ogaado cida ay ka helaan, waxaa sidoo kale ku soo biiray kooxda Daacish oo iyadana hub hesha kana ka dagaalanta qeybo kamid ah Soomaaliya.

Mas’uul katirsan wasaaradda Amniga Dowladda Federalka Soomaaliya waxa uu maanta sheegay in dowladda ay wado qorshe looga hortagayo hubka kooxaha Al Shabaab iyo daacish ay helaan, hadaba Qodobadan shanta ah waxeey dowladda ugu hortagi kartaa hubka ay helaan Shabaab iyo daacish oo Soomaaliya ka howlgala.

1: Waa in la diiwaan geliyaa hubka ay hesytaan ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka, islamrkaana laga warqabo iyadoo sidoo kale lagula xisaabtamayo saraakiisha keydka iyo kuwa howlgelinta ciidanka, maadaama dhowr jeer la sheegay in Al Shabaab ay hub ka helaan saldhigyada Ciidamada Dowladda.

2: Waa in dowladda Federalka Soomaaliya ay Maxkamad la tiigsataa Ganacsato u dhashay dalka Yeman oo lagu kala magacaabo Caamir Bin Cubeyd iyo Cabdi-aliim Cabdul-Jabaar oo Al Shabaab iyo daacish ka saacida hubka iney helaan sida laga soo xigtay sirdoonka dalka Yeman oo dhowr jeer warbaahinta la wadaagay xogtaasi,waxaana sidoo kale  ay maamulaan hubka loo soo dhoofiyo Soomaaliya ee lagu wareejiyo Al shabaab iyo daacish.

3: Dowladda Soomaaliya waa ineey la socotaa dhaq-dhaqyada Maraakiibta Shisheeye  ee isticmaala biyaha Soomaaliya kuwaa oo qaarkood dhowr jeer la arkay iyagoo hub ka dejinaya dekadaha waa weyn ee dalka.

4: Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya ciidamada Shisheeye ee dalka ka howlgala waxaa dhacday in dhowr jeer laga furto gaadiid dagaal iyo hub farabadan, si looga hortago in Al Shababa ay sidaas hub ku helaan waa in xeelad cusub oo dagaal ay la timaadaa Dowladda  Federalka Soomaaliya.

5: Dhisidda Ciidamo tayeysan oo ilaaliya biyaha Soomaaliya waa muhiin iney dowladda ka dhabeyso,  si ay ugu hortagaan in al shabaab iyo daacish  hub kala soo dagaan  dekadaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this